Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Caasimadda Hirshabeelle ay tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laguna qabanayo xaflada caleema saarka madaxweynaha Hirshabeelle.
“Anigu dadkeyga waxay Hirshabeelle ku leyihiin intii shalay Cali Guudlaawe ku lahayeen dadkiisa markuu Hirshabeelle ka ahaa madaxweyne ku xigeenka sideyda oo kale sida Caasimadda iyo wasiiro dhowr ah uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Aniga ayaana balan qaadaya intii Cali Guudlaawe uu haystay markuu madaxweyne ku xigeenka ahaa inay helaan dadkeyga hadii intaas dadkeyga waayaan waan is casilayaa” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid walba oo tabasho ka qabta maamulka Hirshabeelle.
Warkaan ka soo baxay Yuusuf Dabageed oo ah Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya ka dib markii shalay Magaalada Baledweyne uu ka dhacay Banaan bax xooggan oo looga soo horjeeday Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com