Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay Jenaraal Abuukar Xuud uu ka baxay balamo ay wada galeen.
Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in wali aay diyaar u yahiin maamulka Hirshabeelle iney ka qanciyaan tabashada uu qabo Janaraal Xuud isaga iyo beeshiisa iyo cid walba oo tabasho qabta waa sida uu sheegayee,
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale iska fogeeyay warar sheegayay inuu lahaa amarka lagu xiray dad shacab ah oo xabsiga Baladweyne ku xiran waxuuna sheegay in dadkaasi ay soo xireen Saraakiisha amniga Baledweyne loona soo xirxiray dambiyo la xariira qalqal galinta amaanka Baledweyne ayuu yiri “Yuusuf Dabageed”
Wuxuuna sidoo kale sheegay “dadkii ku dhaawacmay dibadbaxayaashii shalay ay rasaasta lagu furay iney masuuliyeeda qaadanayaan dadkii soo abaabulay banaanbaxaasi iyada oo aan laamaha amniga laga heysan wax ogolaasho ah ” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Hadalkaan ka soo baxay Yuusuf Dabageed ayaa ku soo beegmaya ka dib banaanbax shalay ka dhacayu baladweyne oo dadkii dhigayay lagu rasaaseeyay taasin oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com