Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Yuusuf Dabageed ayaa xilkaas ku guuleystay markii uu helay 87 cod, halka musharaxii la tartamamay Maxamed Maxamuud Cabdulle uu helay 12 cod.
Yuusuf Dabageed oo ah siyaasi saameyn ku leh gobolka Hiiraan ayaa tan iyo burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya 1991, afar jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Magaalada Jowhar ayaa lagu soo gabagabeeyay doorashadii 2aad ee Hirshabeelle, markii ugu dambeyn maanta la doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com