Yuhuudda Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay In Ay U Safraan Turkiga

Israa’iil ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Turkiga, iyadoo sabab uga dhigaysa hanjabaadda Iran ee ah inay u aargudi doonto dilkii toddobaadkii hore loo geystay Kornaylkii Ciidamadda Ilaalada Kacaanka ee Iraan.

Tehran ayaa ku eedaysay Israa’iil dilka Hassan Sayad Khodai, kaasoo ay laba qof oo mooto watay ay ku toogteen isgoo kujiro gaarigiisa.

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in Tehran laga yaabo in ay raadinayso in ay waxyeello u geysato Israa’iiliyiinta ku sugan Turkiga oo ay ku tilmaameen “dal khatar sare leh.”

Turkiga ayaa ah meel ay u dalxiis tagaan Israa’iiliyiinta, kadib markii ay hagaajinayeen xiriirkooda ka dib in ka badan 10 sano oo xiriirkoodu ahaa mid xumaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com