Yahuuda oo duqeyn ku dishay tobaneeyo ruux oo caruur u badan

Ugu yaraan 10 Falastiiniyiin rayid ah oo ay ku jiraan caruur, ayaa lagu diley Sabtida maanta ah Galbeedka Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin, kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Yahuuda ay duqeeyn ku burburiyeen gurigaasi Gaza.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in diyaaradaha Yahuuda ay duqeeyeen guri ay leeyihiin qoyska Abu Hatab oo ku yaal xerada qaxootiga ee Al-Shaati.

Dhibbanayaasha waxaa ka mid ahaa sideed carruur ah oo da’doodu u dhexeyso 5 ilaa 14 sano jir iyo laba dumar ah oo ka tirsan qoyska Al-Xadiidi ee ku baxay gacanta yahuuda.

Baadigoob loogu jiro dadka maqan ee burburka hoostiisa ayaa socda.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Falastiin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qofka kaliya ee ka badbaaday weerarka uu ahaa canug yar oo 2 bilood jira, isaga oo ku tilmaamay weerarkaas “xasuuq.”

Dhanka kale, garabka militariga ee Xamaas, Guutada Izzeddin al-Qassam, ayaa ku dhawaaqay in magaaalada Ashdod ee gobolka Beersheba ay ku dhaceen gantaallo jawaab u ah weerar lagu qaaday guri ku yaal xerada qaxootiga ee Al-Shati iyo in looga aarguddo Falastiiniyiinta lagu laayay Daanta Galbeed ee la haysto.

Saddex Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba walaalo ah, ayaa lagu dilay weerarro xilli dambe oo habeenimadii ah diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay ku qaadeen aagga Tel Kuleybu ee waqooyiga Gaza.

Duqeynta ay yahuuda ka fuliyeen Falastiin ayaa waxaa tirada dhimashada tan iyo markii uu bilowday dagaalka Isniinta lagi sheegay in ay gaaray 139, kuwaa oo ay ku jiraan 39 carruur ah iyo 22 haween ah, halka 950 ay ku dhaawacmeen.

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuuda ayaa jimcihii dib u bilaabay duqeymaha cirka ee marinka Gaza ee go’doomay, taas oo waxyeelo weyn u gaysatay dhismayaasha la deggan yahay ee kaabiga ku haya dhulkaas.

Masuuliyiinta Lubnaan ayaa sidoo kale shaaciyay in qof dhalinyaro ah oo reer Lubnaan ah la dilay markii madaafiicda Israel ay bartilmaameedsadeen banaanbaxayaal ku sugnaa xayndaabka amniga Israel ee koonfurta dalka.

Kolkii hore Xiisada ayaa ka taagneyd xaafada Sheikh Jarrah ee Bariga Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa, balse xasaradu waa ay isbadashay kadib markii dagaalka uu xarka goostay dhamaadkii bishii ramadaan.

Xiisadaha ayaa ka faafay Bariga Qudus ilaa Gaza, markii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee halkaa jooga ay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan weerarada yahuuda, hadii aan la joojin.

Israa’iil waxay qabsatay Bariga Qudus, halkaas oo ku yaal masjidka Al-Aqsa, intii lagu jiray dagaalkii 1967 ee Carabta iyo Israa’iil.

Waxay ku xirtay magaalada oo dhan 1980-kii tallaabo aysan weligeed aqoonsan beesha caalamku.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com