Cid walba ujeeddo istiraatiiji ah ayey shirka Jabuuti ka lahayd, marka laga reebo hoggaanka Dowladda Federaalka ah. Abiy Axmed oo ah ninka ugu badan oo wadahadalka riixayey wuxuu doonayaa Dekado uu dhulka Soomaaliya ka helo. Madaxweyne Geelle wuxuu doonayaa istaraatiijiyad macnawi ah, taasoo ah in uu u muuqdo oday Soomaaliyeed oo xalka Soomaalida u taagan. Ambasador Yamamoto wuxuu riixayaa qorshaha is dhexgalka Geeska Afrika ee dhinaca dhaqalaaha, siyaasadda iyo amniga.
Madaxweyne Biixi wuxuu doonayey fagaare caalami ah oo uu ku garnaqsado, qaddiyadda Somaliland ku soo bandhigo, dawlada Federaalka ah joojiso in taageerada dhaqaale iyo maalgashiga la siyaasadeeyo, iyo in labo dal oo wada hadlaysa loo aqoonsado. Waa tan keentay in labo dal lagu qoro war-murtiyeedka, warbaahinta rasmiga ah ee Itoobiyana ay daabacday in labo dal oo Bariga Afrika ka tirsan la dhexdhexaadinayey.
Cidda keli ah ee aan istiraatijiyad ka laheyn kulanka waa madaxda Dowladda Federaalka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa u daran muddo kordhin, wuxuu doonayey ilaa iyo haatana weli ku raad joogaa in shirka laga soo saaro roadmap dhigaya in muddo 2 sano ah lagu soo afjaro wadahadalka.
Dad badan ayaa is waydiinayey haddii aysan wax wayn jirin muxuu Madaxweynuhu u kexeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysalwasaaraha, isaga iyo wasiirrada ayaaba kulanka ku filanaa?
Ujeeddada uu taas ka lahaa waa in uu soo afjaro nuxnuxda siyaasadeed ee suuqa ku jirta, tusiyana in uu isagu yahay ninka keli ah ee amarkiisa iyo taladiisa lagu socdo, inta kalana xafiiskiisa ka tirsan yihiin. Haddii aysan sidaa aheyn maxay ka dhigan tahay Raysalwasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan oo wafdi Madaxweyne ka tirsan, hadana guddi farsamo ka mid ah?
Haddii aadan aragti fog, istiraatiijiyad iyo qorshe lahayn, ee damac xukun oo keli ah ku wado, waxaad noqonaysaa maskiin lagu maadsado oo madal walbana lagu qoslo.