Yaa ka Dambeeya Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya?

Dawlada  Qatar oo lagu Eedeeyay in ay ka dambeyso Dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya

Danjire Maxamed Caalim oo ah Aqoon yahan Soomaaliyeed  Islamarkana Falanqeeya Siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya , Danjire Caalim ayaa ku Eedeeyay dilalkaasi in ay ka dambeyso Dawlada Qatar Sida uu Hadalka U dhigay Waxaana uu sheegay in Dano Siyadeed oo ay doonayso Qatar in ay ka Fuliso dilalkaasi qorsheysan ay ka Fulisay Soomaaliya

Degaano ka Tirsan Puntland ayuu sheegay in dilalkaasi ay ka dhaceen Waxana uu intaasi ku daray intaasi Sababta dilalka qorsheysan ay u Fulineyso uu yahay ,Iyada ka soo horjeeda Siyaasada Imaaraadka ee Soomaaliya iyo in Dalka Soomaaliya in uu u soo gacan galo si Si dhaqaalaha Soomaaliya oo uu ugu horeeyo shidaalka ay ula wareegto

Hadaba Qoraalka uu qoray Danjire Caalim Islamarkaana Bartiisa Face Buugga uu soo dhigay ayaa u qornaa Sidaan:

Dilalka qorsheysan ee Qatar ka waddo Soomaaliya!!!

Akhriste, welina ma ku fakirtay in dowladda carbeed ee Qatar ay dilal siyaasadeysan ay ka fuliso Soomaaliya,

maxaase caddeyn ah oo loo hayaa, warbixintaan ayaad uga bogan doontaa.
Aniga oo ah danjire Maxamed Caalim,

waxaan u arkaa in xukuumadda Dooxa ay ka badbadinayso, marka loo eego fullinta qorsheyaasha gurracan oo ay dalkayaga ka sameyneyso.

Baaritaan madaxbannaan oo aan sameeyay ayaa ku ogaadday dilal qorsheysan oo ay Qatar ka fulisay gudaha Soomaaliya halka kuwa kale oo bandanna la sii qorsheynayo.

11-09-2020 Jimcihii shalay waxaa weerarkii ugu dambeeyay ay ka fulisay magaalada Kismaayo iyadoo ku khaarajisay guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabbi Kaahin,

sidoo kalena ahaa firfircoone kamid ah aas-aasayaashii dowlad goboleedka Jubbaland.

Yeey horay u dishay Qatar?

1- Guddoomiyihii gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuurre(Yare)

2- Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir)

3- Iyo Masuuliyiin kale oo siyaasiyiin caan ah ay ku jiraan

Maxaa sabab u ah dilalka Qatar ka geysanayso Soomaaliya?

1- Waxay kula dagaallamaysaa Imaaraadka Carabta, waxaan wada ognahay in maamullada Jubbaland iyo Puntland ay xiriir wanaagsan leeyihiin dowladdaasi

2- In ay iyadu noqoto dowlad kor ka maamusha Soomaaliya, si ay danaheeda dhaqan-dhaqaalle uga fushato

3- Si ay ula wareegto shidaalka Soomaaliya, maadaama maanta adduunyada dagaalka ka socdaa uu yahay mid dhaqaalle

Qatar dilalka masuuliyiintaas iyo kuwa kaleba waxaa ay u adeegsatay Alshabaab oo caalamka oo dhan uu ka warqabo in ay maalgeliso.

Alshabaab ayaa isha ugu weyn oo ay dhaqaalaha ka helaan waxaa ay tahay xukuumadda Dooxa, iyaduna waxaa ay ku fushataa danaheeda siyaasadeed.

Doorashadii 2017-ka, Qatar ayaa lacag badan geysay Xamar kuna taageertay Farmaajo si dowladda oo dhan ay iyadu u maamusho taas oo iminka ka dhex muuqanaysa habdhaqanka siyaasadeed ee dalka.

DIGNIIN;

Beegsiga dowladda Qatar ee ay Soomaaliya ka waddo oo gallaaftay dad qiimo ugu fadhiyay umadda Soomaaliyeed ayaa waxaan ka digayaa in ay sii socdaan

waxaana shacabka iyo maamullada oo dhan ku ogaysiinayaa in ay ku baraarugaan dilalkaasi wuxuushnimada ah.

Waxaa ay qorsheysay Qatar in qof kasta iyo maamul kasta oo ka hor-yimaada danaheeda siyaasadeed ay ka taqasallusto.

Danjire Mahamed Caalim
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
caalim68@hotmail.com

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com