Yaa Hormuud u ah ‘ Nabadda iyo Xasilloonida ka jirta galbeedka Magalada Jowhar?

Wasiiru Dawlaha Wasaarada ganacsiga & Warshadaha ,ahna Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cismaan Ibraahim( Cali Ciileey)  ayaa door wanaagsan ka qaadanaya dib u xoreynta degaanada galbeedka gobolka shabeelada Dhexe uu muddo badan ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Wasiir Cali Cismaan Ibraahim ayaa Hormuud u ahaa Hawlgalkii laagu xorreeyay  degaanka Jariiroow & degaanno kale oo ku yaalla galbeedka Magaalada Jowhar ee Caasimada Dawlad goboleeka Hirshabeelle.

Sidoo kale,  Mudanne Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciileey) oo kaashanaya Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadada ee gobolka shabeelada ahna ku simaha Gudoomiya gobolka shaabeeladaa Dhexe iyo Saraakiil ayaa ku guuleystay ka dib markii ay Abaabuuleed Ciidamo degaanka ka soo jeedo oo gaca ka helayaa Ciidanka xoogga dalka in ay la wareegaan galbeedka Magaaladaa Jowhar sido kalane rajo laga qabo in maalmahaa soo socdo ay la wareegaan degaannada kale ee galbeedka gobolka shabeelada Dhexe.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle Mudane Cali Cismaan Ibraahim ayaa  sheegay in Hawlgalka ka bilowday galbeedka gobolka shabeelada dhexe uu qayb ka yahay Wejiga labaad Halwgallada Alshabaab looga saarayo dalka oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina, Wasiir (Cali Ciileey) ayaa ka codsaday Dadka ku dhaqan gobolka shabeelada Dhexe gaar’ahaan galbeedka Magaalada Jowhar in ay Nabada kala sheeqaayaan Madaxda iyo saraakiisha Maamulka Hirshabeelle sidoo kalena ay soo sheegan cidkasta oo Falal amni darro ah ka wada degaannada ay ku nool yihiin ee gobolka shabeelada dhexe si ay Hay’adaha Amniga gacanta ugu soo dhigaan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com