Yaa baajiyay Kulan ay u ballan sanayeen Midowga Musharixiinta Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe

Dib u dhac ayaa ku yimid kulan xalay ayu ballan sanaayeen Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Maamulada Hirshabeele iyo Galmudug

Kulanka ayaa ahaa mid la doonayay in looga hadlo ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan arimaha doorashooyinka

Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor ayaa lagu soo wramaya in kulanka ay ka baaqsadeen taasi oo keentay in kulanka uu dib u dhac ku yimaado.

Warar ayaa sheegaya in kulankaasi ay u balansanaayen Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele uu dib u dhacay ka dib markii Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho sharaf ah ay isugu yeertay 3 maamul goboleed ee Taageersan Farmaajo iyo gobolka Banaadir.

Inkasta oo khilaaf ay ka taagan tahay qabashada doorasho loo dhan yahay ayaa dhinaca kale Dadka darsa siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmajo mar walba oo doorasho laga hadlo uu ku faano Awood Ciidan taasi oo meesha ka saareysa wadahadalada rasmiga ahaa ee la doonayay in xal looga gaaro doorashooyinka Dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com