Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Joogtada Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa lagu wargeliyay in muddo 5 cisho dalka ku soo xaroodaan dhammaan xubnaha ka howlgala Safaaradda Nairobi.
Warqada waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ku amartay muddo 7 cisho inay dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Kenyanka, looga baahan yahay in mudadaas dalka ku soo galaan diblu maasiyiinta Soomaalida ah eek u nool Dalka Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishan xiriirka u jartay Kenya, kaddib markii ay ku eedeeysay inay faragelin ku heyso madax banaanida dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com