Xukuumadda Soomaaliya oo ka hortimid Eed loo Jeediyay Ra’iisal Wasaare

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Musharaxiinta qaar “oo aan dooneyn in doorasho qabsoonto oo raba in sidan dalku sii ahaado ay xagxagasho ku hayaan Ra’iisul Wasaaraha oo dadaal ugu jira sidii doorashooyinka loo dhameytiri lahaa.”

“Doorashada waa masuuliyad waddareed ay hormuud u yihiin Gollaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban DFS & Dowlad Goboleedyada, balse siyaasiyiinta qaar ee bartilmaameed ka dhiganaya Ra’iisul Wasaaraha waa baroorta orgiga ka weyn, waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo lagu carqaladeynayo doorshada oo u eg fariimo shisheeye. Tabasho iyo tiigsi waa kala labo .Talo keen lahow ama talo raac lahow,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Ra’iisal wasaare Rooble in doorashada golaha shacabka ee dhacaysa Muqdisho uu u xaglinayo dhinaca Nabad iyo Nolol

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com