Xukuumadda Soomaaliya oo gaashaanka ku dhufatay war ka soo baxay midowga Afrika

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Ciidamada Midowga Afrika ee ku  sugan Soomaaliya ay la socdaan dhaqdhaqaayada Ciidanka Dawlada Soomaaliya .

Wasiir Dubbe,ayaa sheegay in arrintaan ay dhaawac ku tahay Qabka iyo Sharafta Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan ku jirin waajibaadka AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada dalka.

Wasiir Dubbe ayaa Cambaareeyn u jeediyay Wadamada iyo Kenya iyo Jabuuti oo uu sheegay ka dambeeyeen  in go’aankaas laga soo saaro Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com