Xukuumadda Soomaaliya oo Faah Faahin ka bixisay Heshiiska laga gaaray khilaafka doorashooyinka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sharraxay sida loogu heshiiyay shirkii muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warramay wixii la isku afgartay shirkii Afisiyoone.
Wuxuu sheegay in heshiis laga gaaray shirkaas oo looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee uu khilaafka ka taagnaa.
Waxa uu wasiirka si gaar ah uga hadlay khilaafkii ka taagnaa xildhibaanada Waqooyiga, wuxuuna sheegay in ay kulan yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iskuna afgarteen qaabkii loo wajihi lahaa doorashada xildhibaanada Waqooyiga.
Haseyeeshee Wasiirka ma uusan faahfaahin waxyaabaha rasmiga ah ee lagu heshiiyay.
Wuxuu intaas ku daray in maanta oo Arbaco ah la kala nasanayo, laakiin Khamiista la qaban doono xaflad lagu saxiixo heshiiska.

Xafiika Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com