Xukuumadda Soomaaliya oo baaq ka soo Colaada Laascanood

Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xaalada iyo colaada ka taagan magaalada laascaanood una dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan ka dowlad ahaan xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland si loo joojiyo colaada magaalada madaxda gobalka Sool.

Waxa uu xusay inay muhiim tahay in dhinacyadu ay uturaan dadka maatida ah lagana wada hadlo waxa laysku haayo waxa uuna Maamulka Muuse Biixi ugu baaqay in ciidamadooda ka saaraan magaalada oo ay ka fogeyso dadka shacabka ee careysan ee dagaalka kula jira.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in dhinaca Laascaanood ay dhankooda u diyaar garoobaan wadahadal maadaama dhinaca kale uu ku dhawaaqay Xabad joojin Sharuud La’aan ah.

Warka  ka soo baxay  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii labaad uu galay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.