Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaashaacisay in guddiyadii ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland ay yihiin kuwo baalmarsan hannaanka sharciga ee lagu magacaabo guddiyada doorashooyinka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Faarax ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay baarlmareen heshiiskii la gaaray 17 September 2020 ee qeexayay hannaanka lagu magacaabayo guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Waxaa qoraalka lagu xusay in Puntland iyo Jubaland midkoodna uusan qoraal rasmi ah oo lagu magacaabay guddiyadaas soo gaarsiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com