Xukuumada Norway oo isbuuca dambe soo bandhigaysa miisaaniyada 2022.

Oslo:-Xukuumada ay hogaaminayaan xisbiyada AP iyo SP ayaa la filayaa in maalinti isniinta ah soo bandhigaan Miisaaniyada xukuumada ee sanadka soo socda.

Raisalwasaaraha Norway Støre iyo Wasiirkiisa Maaliyada ahne gudoomiyaha xisbiga SP ayaa ah kuwo ka leh wada hadalo qaabka miisaaniyada u ekaan doonto.

Labadaan xisbi waxaa ay ku tiirsanaan doonaan xisbiga kale ee SV oo dowlada qeyb ka aheyn si ay u helaan kalsoonida baarlamaanka.

Balse maalmihii la soo dhaafay ayaa lagu soo waramayaa in uu yaraaday xiriirki joogtada ahaa ee u dhaxeeyay labada xisbi ee dowlada hogaaminaysa iyo xisbiga kale ee SV.

AP waxaa uu doonayaa in ka dhabeynta balanqaadyadiisi hore sida in ay dhimaan dhaqaalaha ku baxa caruurta dhigaya goobaha xanaanada.

Sidoo kale xisbiga kale ee SP ayaa doonaya in xafiisyo boolis laga furo goobo ka baxsan magaalooyinka waa weyn waxaana soo jeedimahaan dhamaan u baahan yihiin dhaqaale.

Saadaasha ayaa muujinaysa in miisaaniyadan cusub wax badan ka duwanaan doonin midii ay soo bandhigtay xukuumadii ay hogaaminaysay Ra,isul wasaare Erna Solberg.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com