Xogta Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho iyo Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodisho oo ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho , w Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ka badan 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxaas, halka 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen .

Afhayeenka  Booliska ayaa sheegay in uu jiro khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay qaraxa, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa Goobta qaraxa uu  ka dhacay.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamuud Caadle oo ahaa macalin iyo xoghayaha Warfaafinta xisbiga Himilo Qaran.
Waa markii labaad oo qarax khasaaro dhaliyayAlshabaab ay  ka geystaan maqaayadda Luul Yemeni degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com