XOG”Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo Kulan Xasaasi ah maanta ku yeelan doona Muqdisho

Madaxweyanaha Dawlada Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in manta uu kulan xasasi ah uu muqdisho kula yeesho  Madaxda Beesha Caalamka eek u sugan Soomaaliya .

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda Beesha Caalamka kala hadli doona qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo lagu wada qanacsan yahay

Xubnaha Beesha Caalamka ee ku  sugan Soomaaliya ayaa doonaya in bisha Febraayo sanadkaan doorashomay ka dhacdo soomaaliya  hase ahaatee siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo midowga musharixiinta aya diiday in dawlad Federaalka ay qabato doorasho Hal dhinac ah

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeysay Gudiyadii ay magacaabeen maamulada Jublad iyo Puntland iyadoo Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka soo horjeesatay Gudayadii kuna Tilmaamatay in Magacaabista Gudigaasi uu baalmarsan yahay Hanaan sharcitada Magacaabista Gudiyada.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com