Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan Soomaaliya

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guatters ayaa Asbuucaan gudihiis ku soo wajahan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Midoobey.

Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe, Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka.

Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

Socdaalka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa qayb ka ah safarada sanadlaha ah ee uu sanad walba bisha Ramadaan uu ku tago dal kamid ah dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah, isagoo sanadan doortay Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com