Xog: Wasaarado Albaabada la isugu laabay Cabsi laga qabo Weerar Alshabaab ay ka geystaan

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xaruumo wasaaradeed oo ku yaala Magaalada Muqdisho Cabsi dhinaca amniga  loo xiray

Ilo dhanka Amniga ah oo u waramay Warbaahinta aragticusub ayaa sheegaya in Albaabada laysugu laabay ilaa 5 wasaaradood oo ku yaala Magaalada Muqdisho cabsi laga qabo weeraro Qaraxyo ah oo Alshabaab oo  la sheegayo in ay qorsheynaayan in ay ku qaadaan  xarumaha wasaaradahasi.

Wasaaradaha ayaa ku yaala qaarkood Zoobe iyo lambar Afar waxaana ay kala yihiin Wasaarada Arimaha dibada , Qorsheynta  Dhalinyarada iyo Isbortig iyo Sidoo kale Wasaarado ay mid tahay Beeraha oo ku yaala Hargaha iyo saamaha

Dhamaan shaqaalihii Wasaradahasi ayaa la sheegay in lagu amray in aysan soo shaqatagin Halka wasaarado kale shaqooyinkooda loo weeciyay Xaruumo kale oo ay ku shaqeeynayan

Alshabaab ayaa mudooyinkii dambe Qaraxyo ka geysanayay magalada Muqdisho iyaga oo Beegsanayay Hoteelo iyo Xaruumo Dawlada ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com