Xog: Madaxweyne Qoor Qoor Xubno ka Tirsan Imaaraadka Carabta kula kulmay Magaalada Nairo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay galab safar aan la shaacin ku tagay magaalada Nairobi ayaa Xalay  kulan Halkaasi kula qaatay Saraakiil sare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo kulankan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu ka dhacay Hotel ku yaalla Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana Qoorqoor uu la kulmay Saraakiil uu horkacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah Sii Hayaha Safiirka  Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in safarka degdega ah ee Madaxweyne Qoorqoor shalay galab ku tagay Nairobi uu shaki weyn dhaliyay, isla markaana soo if bixiyay qorshe cusub oo Galmudug jiho cusub u qaadeyso.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya inay jirtay balan horay u taallay labada dhinac oo ahaa inay isku arkaan Jabuuti, hase ahaatee Imaaraadka Carabta ka cudur-daartay, isla markaana kulanka la isla gartay inuu ka dhaco Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Galmudug Axmed Qoorqoor uu Maalmihii u dambeeyay taageero ka raadinayay Imaaraadka Carabta, waxaana fiilada isku xidheysay uu ahaa Ganacsade Liibaan Tahliil oo la sheego inuu ku jiro ragga fara ku tiriska ee xiriirka tooska ka heysta Imaaraadka Carabta.

Taageerada Imaaraadka diyaarka ula yahay Galmudug-ta uu hoggaamiyo Qoorqoor ayaa isugu jirta tababarro iyo qalab ciidan, dhisme mashaariic iyo taageero dhaqaale, waxayna Galmudug raadineysaa cid u maalgelisa Dekadda Hobyo .

Inuu Imaaraadku xilligan kala guurka si awood leh usoo galo siyaasadda Soomaaliya ayaa halis ku keeneysa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamul Goboleed kale laga hoos bixinayo, sida ku dhacday Puntland iyo Jubbaland, waxaana arrintan loo arkaa in Galmudug ay jiho cusub qaadi doonto, iyadoo qorshaha Imaaraadka sida lama filaanka ah ugu dejiyey Galmudug uu yahay mid kusoo beegmay xilli xasaasi ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com