Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu diiday fulinta dalab ay soo jeediyeen Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.
Xog ay heshay Warbaahinta Aragti Cudub sheegaysa in wada-hadal dhinaca Isgaarsiinta ah oo ay yeesheen mas,uuliyiin ka Tirsan beesha Caalamka iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland loogu ogolaaday l in wax laga badalo qodobada khilaafka ka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu ka hor yimid go,aankaasi waxaana uu sheegay in aysan suurgal ahayn in loo tanaasulo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu dalbaday in laysugu yimaado shir balaaran oo arintan looga arinsanayo
Doorasha soomaaliya ayaa weli waxaa ka Taagan Murun Xooggan iyo khilaaf inkastoo Beesha Calamka ay isku deyayso in meel dhexe laysugu yimaado si dalka doorasho ay uga dhacdo
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com