Xog: Madaxdii ka qayb gashay shirkii Dhuusamareeb3 oo la sheegay in aan looga yeerin shirka Muqdisho ku dhex mari doona Madxada maamulada Puntland iyo Jubland iyo Madaxweyne Farmaajo

Shirka Magaalada Muqdisho ay  ku yeelan doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in heshiis cusub looga gaaro doorashooyinka dalka ka dhacaya kadib markii madaxda maamulada puntland iyo Jubland  ay diideen Qodobada ka soo baxay shirkii  Dhuusamareeb 3.

Si kastaba ha haatee, waxaa shirka Muqdisho ka maqan saddexda madaxweyne goboleed ee Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo qeyb ka ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Xog ay heshay Warbaahinta Aragticusub.com ayaa sheegeysa in shirka Muqdisho ujeedkiisa uu yahay in lagu xaliyo qodobo dhowr ah oo ku jiray Dhuusamareeb 3, oo ay diidan yihiin Jubaland iyo Puntland, kuwaasi oo ay aad isugu hayaan madaxda dowladda federaalka. Qodobadaas waxaa ka mid ah awoodda guddiga madax-banaan ee doorashooyinka, tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada, magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

Marka ay heshiis buuxa gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa la filayaa in loo yeero Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen kadibna heshiis kale mar  la wada saxiixo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com