Warar ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu kulan kula qaadan doono dalka Jabuuti madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wararka ay sheegayaan in uu Maalinta Isniinta ee soo socota Kulan aan horay loo shaacin kula yeelan doono wadanka Jabuuti Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Oo la sheegay inay weheliyaan madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.
Wararka kasoo baxay sidoo kale sheegaya in kulanka uu ka qaybgelayo Ra,iisal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed, oo horay Labada dhinac ugu kulan siiyey caasimada wadanka Itoobiya ee Adis Ababa