Xog” Akhriso: Gudoomiye Cumar Filish oo dhawaan isbedel ku sameeyn doona Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Gudoomiyha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud maxamed Cumar Filish ayaa dhawaan lagu wadaa in isbedel uu ku sameeyo Gudomiyhaasha degmooyinka gobolka Banaadir

Xog ay heshay warbaahinta Aragticusub ayaa sheegeysa in Gudoomiye Cumar Filish uu xil ka qaadis ku samey doono inta badan Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka banaadir Halka qaar kale oo tiro yarna xilalka loo kala bedeli doono

Isbedelka Gudomiyaasha Degmooyina Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadeysa iyadoo la sheegay in qaar badan oo ka mid ah Madaxda Degmooyinka Gobolka banaadir looga shakiyay  in ay la shaqeeyaan Mucaaradka ama wada shaqeyn Hoose ay ka dhexeyso.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho oo ka kala tirsan Degmooyinka Kaaraan ‘ Cabdi casiis iyo Hodan ay gacanta ku haayan Ciidamo Taabacsan Midowga Musharixiinta  kuwaas oo wata  gaadiidka dagaal iyo Hub culus islamarkaana dawlada Federaalka ay lumisay gacan ku haynta Xaafadahaaso oo ka Tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com