Xisbiyada Soomaaliland oo Heshiis kala saxiixday

Xisbiyada Somaaliland ayaa heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashooyinka ka dhaca Soomaaliland

Saddexda Xisbi ee Somaliland, ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa ku heshiiyey in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dhacaya sanadkan 2020, lagu galo nidaamkii  sanadkii 2005.

Sidoo kale xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyay in guddigii doorashooyinkii  hore ay la-taliyeyaal farsamo u noqdaan Guddiga cusub.

Heshiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Somaaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka kala Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

Xisbigiga Talada Haaya Soomaaliland iyo xibbiyada mucaaradka Soomaaliland ayaa in muddo ah isku khil;aafsana qabsoomida doorashooyinka galayaasha iyo degaanka