Xogeeyaha ayaa ku andacooday in mashiinka la xaday, isla markaana ay wasaarada caafimaadku qarinayso cida mashiinka xaday ee u iib gaysay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.
“Isbitaalkii guud ee magaalada Ceerigaabo ee caasimada gobolka Sanaag waxa laga xaday mashiinkii baadhista dhiigaga, ee CPC Complete Blood Count oo qiimo ahaan taagna $20k, oo aha shaybaadhka kaliya ee uu leeyahay isbitaalka magaalada Ceerigaabo” ayuu yidhi.
“Sidaanu xog ku helay waxa loo iib geeyay magaalada Garowe, oo dadkii qaatay ay u iib geeyeen, dad ayaa ku eedaysan oo lagu tuhunsanyahay inkasta oo ilaa hada wasaaradu anay si cad u sheegin oo ay qarinayso, oo aan la sheegi karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhame ayaa wasaarada caafimaadka ku eedeeyay in ay ka indha qarsanayso cida ku eedaysan xadida mashiinka .
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadal mashiinka uu xisbiga Waddani sheegay in laga xaday isbitaalka Ceerigaabo isla markaana loo iib geeyay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.