Xisbiga SP ayaa shaaca ka qaaday in uu ka noqon doono go,aanka lagu xirayo Garoonka diyaaradaha ee Andøy

Oslo:-Xisbiga SP oo guul weyn ka soo hooyay doorashadii baarlamaan ayaa markaan shaaca ka qaaday in uu badali doono go,aanka lagu xirayo qeybta diyaradaha milatariga ee ku taal Magaalada Andenes.

Sannadkii 2016, ayay go,aamiyeen dowladii Erna Solbeg in diyaaradda ilaalada laga wareejiyo Andøya loona wareejiyo garoonka diyaaraha ee Evens,

Xusbin ka tirsan Xisbiga SP oo la hadashay warbaahinta ayaa xustay in qorshaha lagu joojinayo xirida garoonka uu yahay mid adag sida hadalka u dhigtay.

Waxaa ay dhanka kale tilmaamtay in xisbigiisa ka shaqeyn doono sidii ay u badali lahaayeen go,aanka xiritaanka ah .

Ma sahlanaan doonto, laakiin waxaan ku xiri doonnaa  shuruudo adag in la sii wado  Waxaan rumeysanahay in saldhigga cirka uu ahaado mid la mid ah kii hore ayay tiri Sv oo dhawaan ku guuleysatay xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.

Xukuumadii Erna Solbeg ayaa go,aamisay in qeybta diyaaradaha milatariga ah laga wareejoyo Andøy isla markaana loo wareejiyo Evenes oo ka wada tirsan gobolka Nordland iyaga oo arintaas uga gol lahaa yarenta qarashaadka badan ee dowlada ka baxa.

Degmada Andøy oo ay ku nool yihiin in ku dhaw shan kun oo ruux ayaa ahaa kuwo dorashadii baarlamaan ee dhawaan soo gaba gabowday codadka ugu badan siiyay xisbiga SP twaxaana uu ka helay 55% taasi oo loo fasiran karo sida ay muhiim ugu tahay in garoonka sii shaqeeyo.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com