Dhageyso” Xisbiga Sinaanta Amniga iyo Midnimo u ololeynta oo baaq nabadeed ka soo saaray Colaada Gobolka Hiiraan

Ugaas Aweys Xuseen Huneero oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amniga iyo Midnimo u ololeynta ee loo soo gaabiyo( Samu) ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalo Beeleedyadii ka dhacay degaano hoosta Mgaalada Baladweyne e Xaruunta Gobolka Hiiran.

Gudoomiye Aweys Xuseen Huneero ayaa ugu baaqay labada beelood eek u dagaalamay magaalada Baladweyne in ay dagaalka joojiyaan miiska wadahadalkana ay isugu yimaadaan.

Ugu dambeeyntii Gudoomiye Huneero ayaa sheegay in dagaal uusan wax faa’ido ah lahayn loona baahan yahay Beelaha dagaalamay in colaada nabad ay ku bedelaan taas oo ah xalka kaliya ee bulshada Reer Hiiraan ay wax ku wada qabsan karaan.