Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo U Ololeynta oo baaq ka soo saaray Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo U ololeynta ee loo soo gaabaiyo (Samu) ayaa looga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee uu dalka ku jiro.

Kulanka ayaa Waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo midnimo U ololeynta Ugaas Aweys Xuseen Hunooro waxana looga hadlay marxalada Xasaasiga ah ee dalka uu ku jiro iyo sidii looga heshiin lahaa khilaafka siyaasaded ee dalka  ka jira

Madaxda Xisbiga Samu ayaa Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyadoo sidoo uu xisbiga soo dhaweeyay shirka ka Furmaya Muqdisho ee looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka ,

Madaxda Xisbiga Samu ayaa ku baaqay in laga heshiiyo khilaafka Hareeyay Hormarka dalka .

Ugu dambeyntii Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeynta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in xal laga gaaro colaad beeleedyada ka jiro qaybo ka mid ah gobolada Dalka si looga shaqeeyo nabad ku wada noolaanshaha Dadka Soomaalida ah ee isla dega gobolada Dalka .

   Xafiiska Wararka Muqdisho

 Info@aragticusub.com