Xisbiga SAMO oo ka Tacsiyadeeyay geerida Marxuum Abdi Muse Mayo

Gudoomiyaha Xisbiga  SAMO Ugaas Aweys Xuseen Huneero ayaa ka Tacsiyadeeyay Geerida ku Timid Alle ha u naxaaristee Abdi Muse Mayo

Qoraal kooban uu bartiisa face Book  soo dhigay  Gudoomiye Aweys Xuseen Huneero ayuu uga hadlay Geerida  Marxuum Abdi Muse Mayo woo ahaa Halgamaa ax badan dadkiisa u soo qabtay.

Qoraalka uu Gudoomiye Aweyn Sheekh Xuseen Huneero so dhigay bartiisa Face book ayaa u qornaa Sidaan:

Anigoo ku hadleeya magaca Gudoonka, Gudiga Fulinta. Golaha Dhexe Xisbiga Sinnaanta, Ammaanka & Midnimo  u- Ololaynta(SAMO) iyo keyga waxaan Ummada Soomaaliyeed  ugu tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ku timid Gudoomiyihi hore Ururki Somali Democratic Movement  Dr,Abdi Muse Mayow oo u ka mid ahaa 14ka hogaamiye siyaasadeed bisha Janaayo 1993, Addis Ababa ku saxixeen in Sòomaali loo qabto shirweyne, Dib u Heeshisiin Qaran.

ALLAH HA U NAXARIIS, kitabkiisa midigta EEBBE HA KA SIIYO, Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ALLAH HA KASIIYO