Dhageyso: Xisbiga Samo oo ka hadlay Xaalada Soomaaliya & Muddo Kororsiga Hay’addaha Dawlada

Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Ammaanka iyo  Midnimo u ololeynta (SAMO) Ugaas Aweys sheikh Xuseen Hunero ayaa ka hadlay Xaalada Siyasaadeed ee ka jirta dalka iyo sidii dhibaatooyinka saameeyay dalka looga gudbi lahaa.

Gudoomiye Awweys Sheekh Xuseen Huneero ayaa marka hore sheegay in Soomaaliya waxa dib u dhaca  u keenay uu yahay Cadow  dalkaa dibadiisa ka yimid .

Sidoo kaale’ Gudoomiyahaa Xisbiga samo ayaa ka hadlay doorasho qof iyo cod oo oo la qorsheeynaayo in dalka ay ka qabsoonto iyo muddo korosiga ay damacsan yihiin madxaada dawlada Federaalka ee Xilliigan dalkaka Taliya .

Ugu dambeeyntii Gudoomiyaha Xisbiga ( SAMO) Ugaas Aweys Xuseen Huneero ayaa ka hadlay Musiibadii ka dhalatay Roobabkii ka da’ay degmada Bardheere ee gobolka Gedo isaga oo ku baaqay in loo gurmado Qoyasaska ku waxyeeloobay Roobabka ka da’ay degmadaas.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Gudoomiyaha Xisbiga SAMO Ugaa Huneero: