Xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland oo qaaday Tallaabo aan hore looga baran xisbiyada Kale

 Xisbiga ka taliya  Somaliland ee kulmiye  ayaa war uu maanta soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xisbigu ka dhaafay musharraxiinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay lacagtii xisbiga.

Musharrixiinta labadaas qeybood ee u ordaya inay ku tartamaan kaarka xisbiga ee doorashada golaha wakiillada iyo midda deegaanka ayuu lacagta laga dhaafay xisbigu ku sheegay inay sidaas u sameeyeen iyagoo ka duulayaan himilada xisbiga ee gacansiinta iyo dhiirigelinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay ee dhanka doorashada.

Doorashada golaha wakiilada ee musharraxiinta ku ordaya magaca xisbiga Kulmiye ayaa rag iyo dumarba waxaa musharraxkasta ay tahay inuu bixiyo 2000 oo doolar oo uu xisbiga u shubayo, halka doorashada deegaanka ay tahay musharraxa inuu bixiyo 1000 doolar.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com