Xisbiga Awooda shacabka oo ka hadlay Ansixinta Xeerka mataalada gobolka Banaadir

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed waxa uu si diiran u soo dhaweeyey Ansixinta Xeerka Matalaada Gobalka Banaadir ku yeesheen Aqalka Sare ee BFS.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Bulshadda waxa uu tilmaamay inay rumowday qeyb ka mid ah Riyadii dadka Reer Muqdisho, wuxuuna xusay inay Talaabo wanaagsan tahay meel-marinta Xeerkaasi.

Taabid Cabdi Maxamed oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka waxa uu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qeyb qaatay Xaqiijinta Sadka Xaqa ah ee uu helay Gobalka Banaadir.

 Hoos Akhriso qoraalka ka soo baxay Taabid:

Maanta waxaa rumoobay qeyb ka mid ah riyadii Muqdishaawiyiinta oo muddo duudsaneyd taasoo ah matalaadda Aqalka Sare ee G/Benaadir. Waa tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay rumeynta sadka xaqa ah ee G/Benaadir uu maanta helay.

Laga bilaabo maanta Muqdishaawiyiinta waxaa hortaalla in ay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho, caafimaad & maamul iskufilan oo dadka G/Benadir sitoos ah ugu adeega.

Soomaaliya maadaama ay qaadatay hannaanka Federaalka, Maamul madaxbanaan in uu yeesho G/Benaadir waa mid dastuuri ah, hadii federaalku run naga yahay.

Waxaa xusid mudan in Guddigii Dib-u-Eegista Dastuurka ee Barlamaankii 9aad ay isku raaceen in nooca maamul ee Benaadir/Muqdisho ay yeelan doonto uu noqdo Gobol Madaxbanaan oo isla markaana ah Caasimadda Dalka (City State), sida magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo federaal ah, waana nooca maamul ee uu mudan yahay G/Benadir.