Xisbi Mucaarad ah oo diiday in doorasho ay ka dhacdo gobolka Siti

Musharrixiinta Xisbiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Caddaaladda uga taagneed Gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay iney ka laabteen musharraxnimada gobolkaasi isla-markaana ay doorashada ka qayb galeyn.

Adan Allaale oo ah iskuduwaha Xisbiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Caddaaladda ee arrimaha doorashada Gobolka Situ ayaa sheegay Musharraixiinta Xisbigaasi uga sharraxnaa Gobolka Siti oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka koobn 27 musharrax iney doorashada qaadaceen, go’aankaasina uu ku kallifay dhibaatada gobolkaasi ka jirta ee salka ku haysa dagaalladi ka dhacay seddex tuulo oo gobolkaasi ka tirsan iyo go’aanka guddiga doorashaooyinka qaranka uu dhawaan ka soo saaray ee aha iney doorasha ka dhaceyn tuulooyin ka mid ah gobolkaasi Siti.

“Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen 3-da magaalo Cadeytu, Candhuufo iyo Garbaciisa iyo 30 tuulo oo kale inay doorasha ka dhaceyn, annaguna waxaan fileynay inuu guddiga go’aankiisi hore wax ka baddalayo balse taa ma dhicin, marka annagu haddaan nahay musharrixiinta Xisbiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Caddaaladda uga taagnaa Gobolka Siti inaan doorashada ka qayb galeyn” ayuu yi Adan Allaale oo ah iskuduwaha Xisbiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Caddaaladda ee arrimaha doorashada Gobolka Siti.

 Wuxuuna intaa ku daray mar haddii shacabka tuulooyinkaasi ku nool ee ka midka ah Gobolka Siti ee loo diiday xaqa ay u lahaayeen in la doorto iyo iney wax doortaan ay shacabku tashi ku sameeyeen magaalada Shinniile ayna go’aansadeen in doorashadaa haddii dhulka guddiga doorashada qaranka uu ka reebay uu ku soo dari waayo ay doorashada ka qayb galeyn oo aan qaadacayaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@araticusub.com