Xildhibano sheegay in weerar lagu yahay Saadaq Joon kuna baaqay in la difaaco

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad baraha bulshada loogu faafinayay in Taliyihii horer ee Booliska Gobolka Banaadir ee dhawaan xilka laga qaaday Saadaq Cumar Xasan oo wata Ciidamo farabadan uu degay Xaafadaha Xerada Shiirkole ee degmada Hodan, isla markaana ay xiisad ka dhalatay.
Hayeeshee Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay weerar ku yihiin Saadaq Joon oo ku sugan xerada Shiirkole, iyaga oo ku baaqay in sib eel ahaan ah looga difaaco dowladda.

Xildhibaannada kala ah, Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa, Abshir Bukhaari iyo Xildhibaano ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka lagu yahay Saadaq Joon uu yahay mid qabiileeysan, isla markaana muhiim ay tahay in Beesha uu ka dhashay ay difaacdo.
Wararka kale ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) uu ku baxay xiisad ka taagneyd Xaafadda Shiirkole, isla markaana ay sababtay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaliya oo la geeyay meel an ka fogeen halka uu degan yahay Saadaq Joon in laga soo saaro.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cabdi Cabdi wardheere ayaa sheegay in xaalada Muqdisho ay tahay mid degan, waxaana uu sheegay inay jiraan siyaasiyin colaad hurinayo, isaga oo ugu baaqay inay joojiyaan.
Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar xasan ayaa Isniintii toabaadkaan muuqaal la soo dhigaya Baraha Bulshada ayaa waxaa uu ku sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta lagu sameeyay, balse daqiiqado kadib xilka laga qaaday, halka habeen ka hor darajadii ciidamadimo laga xayuubiyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com