Xildhibaanada Golaha shacbaka oo maanta kulan ka yeelanaya Doorashada 2020/2021

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Dalka ee 2020/2021.

Doodda Golaha shacabka  ayaa ku aadeysa kadib Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ku soo gaba gaboobay kaas oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay ku soo heshiiyeen in la qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacda islamarkaana lagu wada qanacsanyahay.

Warar ayaa sheegaya in madaxweynaha dawlada Federaalka Maxamed cabdilaahi farmaajo uu la kulmay Qaar ka Tirsan xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ugana war bixiyay shirkii dhuusamareeb Taas oo keentay in Xildhibaanada maanta Kulan Deg deg ah ay isigu yimaadaan

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in xildhibaanada Golaha shacabka baarlamaanka soomaaliya ay doonayaan in doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo dalka iyaga oo sidoo kale ka soo horjeestay Qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeyay dawlada Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada dalka eek u aadan qaabka doorashada ay uga qabsoomeyso dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com