Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta yeeshay Dood Adag

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabkamaanta  ayaa ka doodaday Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Xukuumadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta qaranka loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda.

 

Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumdda Federaalka Soomaaliya  Marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka hortiisa ka aqrisay Hindisa Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka u akhriyay Cutubyo ka kooban Sharciga la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada, kaas oo uu wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka waxa loogu yeero argagixisada iyo waxkasta oo ku lug leh, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga waxaa loogu yeero Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka).

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe  oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si la isku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga La Dagaallanka Waxa  loogu yeero Argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com