Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee Muddo Xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada ayaa looga hadalayaa  Cudurka Covid19 iyo Saameynta uu ku yeeshay Dalka.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir Gudoominaya Kulanka xildhibaanada Golaha shacabka ee Muddo xileedkooda dhammaaday laysugu yeeray.

Hase yeeshee , Hadal heyn Badan ayaa ka dhalatay  kulanka Xildhibaanada Maanta laysugu yeeray , Waxaana Xildhibaanada qaarkood ay sheegayaan in muddo kordhin la doonayo in loo sameeyo Madaxweynaha uu Waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Halka Xildhibaano kale ay sheegeen in mudoo kordhinta oo noqoneysa Muddo 2 sano ah la doonayo in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo Cod taas oo ay sheegeen in aysan dhici Karin Waxaana qaarkood  Sidoo kale ay ku hanjabeen in buuq iyo sawaxan ay ka sameyndoonan kulanka maanta loo ballansan yahay

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com