Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.
oo uu shir Guddominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa waxaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay 143 Xildhibaan waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed wax diiday ama ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya
Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill), iyada oo lagu balamay in dib la isugu soo laabto.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com