Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta lagu hor dhaariyay Xildhibaano Cusub

Xaruunta Baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay 8 xildhibaan  kuwaas oo lagu baddelay Xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday.

8 Xildhibaan ee cusub ee maanta la dhaariyay ayaa mid ay tahay Haweeneey Taasi oo ka mid noqoneysa Xubnaha Cusub ee maanta la dhaariyay

Sidoo kale, Baarlamaanka Puntland ayaa maanta gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha Puntland oo ka kooban 36 qodob.

8bXildhibaan ee maanta la dhaariyay ayaa magacyadooda waxaa ay kala yihiin:
1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu baraa)
6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud (Garagoos)
7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood.
Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay fadhiga 25-aad ee Kalfadhiga 47-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay ku jiraan ku xigeenadiisa

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com