Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Sharciga Gudiga la dagaalanka Musuqa iyo Akhrinta 3aad Hindis sharciyeedka Nootaayooyinka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankoodii caadiga iyaga oo ka uga dooddi doona ajandayaal dhowr ah.
Xildhibaannada ayaa loo diray qoraal lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, iyaga oo laga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.
Xildhibaannada ayaa kulankooda uga hadli doona maal-marinta xubnaha guddiga Adeega Garsoorka, guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku howlan sidii loo dardar-galin lahaa meelmarinta sharciyo dhowr ah oo horyaala iyadoo muddo xileedka Goluhu yahay mid sii dhamaanaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com