Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka mid noqday Wasiiro uu Magacaabay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay seddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada kadib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah

  1. Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.
  2. Xildhibaan Saalax Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.
  3. Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxa uu xilka ka qaaday Shuceyb Cabdikariin Muumin oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Batroolka iyo biyaha, iyo Ismaaciil Maxamed Nuur oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com