Xildhibaan Mahad Salaad oo Si kulul Uga Hadlay Musharaxnimada Xasan Cali Kheyre

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Tirsan  Golaha Shacabka  baarlamaanka Soomaaliyaoo qooraal kooban soo dhigay bartiisa Face Buugga  ayaa ka hadlay Go’aankii uu Ra,iisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Madaxwaynaha Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay  Qoraalkii kasoo baxay Ra,iisal Wasaarihii hore  Khayre inay ka Muuqdeen Cabsi iyo degdeg , Wuxuuna tilmaamay inay Haboonayd inuu Munaasibad ku Qabsado magaalada Muqdisho, Kadibna uu ku shaaciyo Qorshiisa Siyaasadeed.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad Su’aal iska waydiiyey Sida Xasan Cali Khayre dalka Soomaaliya loogu Aamini Karo.!

Qoraalka ayaa u qornaa Sidaan:

“Degdegga iyo cabsida ka muuqatay qoraalkii Kheyre xalay soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?!

Nin magaaladii uu deganaa, Ra’iisul Wasaare ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waayay, sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?!

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com