Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in ay ka hortagi doonaan talaabo kasta oo Muddo korsi loogu sameynaayo Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in ay ka hortagi donaan talaabo kasta oo muddo kordhin loogu sameyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhamadaay ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Mahad Salaad oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegaya in kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha shacabka la doonayo in lagu soo hoos geliyo Ajande aanan ahayn midka loogu yeeray oo ah in muddo kordhin loogu sameeyo madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammadaay maxamed Cabdilahi Farmaajo

Hadalka Xildhibaan mahad Salaad ayaa ku soo aadaya iyadoo baarlamaanka maanta lafilayo in uu yeeshay kulan buuq badan dhaliyay .

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa iyana sheegtay in aysan taageeri doonin muddo kororsi loo sameeyo hay,adaha Dawlada .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com