Xildhibaan Mahad Salaad oo Eedeeyn Kulul U jeediyay Wasiir Cismaan Dubbe

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Tirsan Golaha shacabka ee  Baarlamaaka Soomaaliya, ayaa Weerar Afka  ah ku Qaaday Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cimaan Dubbe,

Xildhibaan Mahad Salaad Qoraal uu Bartiisa Face Buugga soo dhigay ayaa u qornaa sidaan:

 

                     DUBBE  FARMAAJO  ISAGAA WAALAN!

 

Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya “ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Maantana shirkiisii jaraa’id wuxuu ku sheegay “In 10 musharax Nairobi ka soo baxaan ee Xamar yimaadaan waa qalad, doorashana maahan ee waa khalkhal gelin amniga dalka”. Wasiir Dubbe waxaan su’aalay: Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?!

Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo, hadana waxaan xasuusinayaa in Farmaajo  iyo musharaxiin badan oo sawirkaan idinkaga muuqada 2016-kii ololahooda doorashada ka soo bilaabeen Nairobi. Hotel Jazeera oo qiblo u ahayd mucaaradkii xiligaas Xasan Sheekh ka soo horjeedayna ay degaan u ahayd Fahad iyo Farmaajo iyo musharaxiin kaloo badan. Lacagta Fahad Qadar ka keenayna lagu qaybin jiray. Maalin gelinkeedna aan la dhihin xageed ka timaadeen iyo xagee u socotaan!

 

Lkn markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Magaca “Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo!

Inta badan magaca ama naynaasta qofka Soomaaliga ah loogu yeero waxay ka tarjumaan habdhaqanka iyo dabeecadda shaqsiyadeed ama shaqo ee qofkaas. Marka shaqada Dubbe Farmaajo u hayo intaas ayaan ku soo koobayaa yaanan sii badinne!

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com