Xildhibaan Mahad Salaad Muxuu ka yiri’ Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee Heshiiskii 17 Sebtember lagu gaaray Dhuusamareeb?

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  ka hadlay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Golashacabaka Baarlamnaka Soomaliya eek u saabsan   Heshiiskii 17-kii Sebtembar ee Sanadkii Hore ay gaardeen Madaxda DF Soomaaliya iyo Maamulada, Kaasi oo la sheegay inuu Qoray Madaxwaynaha maamulka Puntland.

Xildhibaan Mahad Salaad oo barta Face Buugga soo dhigay soo dhigay  qoraaluu kaga hadlayo sida uu u arko khudbadii madaxweyne Farmajo shalay uu Jeediyay iyo Hesheeskii 17 sebtember ee Dhuusamareeb ay ku gaareen Madaxada Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa u qorna sidaan”

Warkii ugu yaabka badnaa uguna dambeeyay ee Farmaajo Madaxweyne ah laga qoro inshaa’allah wuxuu ahaa heshiiskii doorasho ee 17 September waxaa soo qortay Madaxwayne Deni anagana marqaati (shuhuud) ayaan u ahayn. “ Ayuu yirhi Xildhibaan  Mahad Salaad.

“Waanba yaabee madaxda kaloo dhan ma waxay Muqdisho u yimaadeen in ay qayb ka noqdaan madal masiirka dalka go’aamo siyaasadeed looga gaarayo, mise waxaa lagu casuumay xaflad nikaax in ay marqaati ka noqdaan. Raggaas waa loo gafay ee duqa saacadaha u dhiman wax ha iska dhaheen! “ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan Mahad Salaad.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com