Xildhibaan ka Tirsanaa Golaha Shacabka oo ku geeriyooday Baydhaba

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Waxaa saakay  ku geeriyooday ku geeriyooday  xildhibaan  Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya .

Marxuum Maxamuud Boonow wuxuu soo noqday wasiiru dowlihii wasaaradda amniga gudaha xukuumaddii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Marxuumka Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, Sidoo kale, wuxuu wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd.

Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow  ayaa waxaa uu ahaa ganacsade caan ka ah degaanada Maamulka Koofur Galbeed

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com