Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamanka Puntland oo u geeriyooday dhaawac ka soo shil baabuur

Xildhibaanka Tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo  Cali Axmed Salaad Cali Dhahar ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil baabuur i oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Marxuum Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida sheegeen xubno ka Tirsan  Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Marxuumka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu kaga qayb geli lahaa Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com