Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Jubland oo u geeriyooday Cudurka Covid19

Madaxweynaha maamulka Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed , geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka  Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa maamulka jubland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada Jubland.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Jubaland ee uu ka baxay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com